Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsDowladaha Caalamka oo Billaabay Iney Dadkooda ka Daad Gureeyaan Dhulka Yahuuddu Gumeysato.

Dowladaha Caalamka oo Billaabay Iney Dadkooda ka Daad Gureeyaan Dhulka Yahuuddu Gumeysato.

Xilli ay faraha kasii baxayso xisadda dagaal ee u dhexeysa dowladda Iiraan iyo maamula Yahuudda, ayay dowlada dhaca qaaradaha Yurub iyo Aasiya bilaabeen sidii ay muwaadiniintooda kaga badbaadsan la haayeen colaadda ka oloosan halkaas, xilli uu maamulka Yahuuddu xiray duulimaadyadii hawada, cabsi uu ka qabo inay kala firxadaan Yahuudda laga soo kala aruuriyay caalamka ee xoogga loogu deegaameeyay waddanka Muslinka ah ee Falastiin.

Safaaradda Shiinaha ee ku taalla dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin ayaa maanta ku boorisay muwaadiniinteeda Shiineeska ah inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan soohdinta dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin, iyadoo la eegayo xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa iyo xiritaanka hawada ee Yahuudda.

Safaaradda ayaa kula talisay muwaadiniinta Shiineeska ah inay ka baxaan dhulka ay Yahuuddu haysati iyaga oo sii maraya marinnada dhulka ee dhanka Urdun.

Sidoo kale, Jarmalka ayaa sheegay in uu bilaabi doono daadguraynta muwaadiniintiisa ku sugan gudaha Yahuudda, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa maanta sheegay, in Jarmalku uu bilaabayo inuu duulimaad kiro ah kusoo daadgureeyo muwaadiniintiisa ku sugan dhulka ay Yahuddu gumaysato isagoo sii maraya caasimadda Urdun ee Cammaan.

Sidoo kale, Ingiriiska ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inay iska diiwaan galiyaan diiwaannada lagu xaqiinaya joogitaankooda iyo taradooda si ay u fududaato markii loo baahdo in la dadgureeyo. Landhan ayaa muwaadiinteeda ku boorisay inay ka agdhawaadaan godadka laga galo gantaallada.

Waddama ay kamid yihiin Bawlan iyo Saloofaakiyaa ayaa ku dhawaaqay inay muwaadiniintooda kasoo saarayaan halkaas, iyagoo sii marinaya waddamada Urdun iyo Qubrus.

Cabsida dowladaahan ayaa ku soo aaday kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in Iiraan ay isku diyaarinayso weerarkii ugu weynaa uguna xooganaa taariikhda ee lagu qaado dhulka uu xoogga ku haysto kayyaanka Yahuudda ee Falastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.