Dowladaha Shisheeye ee ciidamadoodu duulaanka ku joogaan Soomaaliya ayaa muujiyay niyad-jabka ay ka qabaan maalgelin la’aanta duulaanka cusub, iyagoo dalbaday in laga bixiyo deymo kasoo gaaray duulaankii ATMIS.
Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa isa soo tareysa qilo dhaanta la xiriirta fashilka uu wajahayo duulaanka cusub ee magaciisa loosoo gaabiyo AUSSOM iyo maalgelin la’aanta haysta, illaa heer ay gaartay iney soo hadlaan dowladihii Shisheeye ee ay ciidamadu ka joogeen Soomaaliya.
Dowladahan ayaa dalbanaya in laga bixiyo lacag gaareysa $93.9 malyan oo Doollar, taasoo ah deyn ka timid duulaankii fashilmay ee ATMIS ee magaca loo badalay, islamarkaana ah mushaaraadka ciidamada iyo qarashaadka kale ee ku baxay hawlaha askartan.
Mid kasta oo kamid ah dowladahan waxaa gaar loogu leeyahay lacag gaareysa balaayiin Doollar, taasoo ay qaateen intii udhaxeysa sanadihii 2022-kii illaa 2024-kii kahor inta aan la badalin magaca duulaanka shisheeyaha.
Waxay sheegeen xukuumadahan, in deymahan is biirsaday ay khatar gelinayaan kalsoonida iyo joogitaanka ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya, xilli wali la raadinayo lacagtii lagu maalgelin lahaa midka cusub ee magaciisa lagu dhawaaqay.