Friday, June 13, 2025
HomeAll NewsDowladaha Mareykanka iyo Iiraan oo Qarka Usaaran inuu Dagaal ka Dhex-Qarxo.

Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan oo Qarka Usaaran inuu Dagaal ka Dhex-Qarxo.

Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa ku dhawaaqay, in maamulkiisu uu ku talo jiro, in la daad gureeyo shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe sababo la xiriira halista ka imaan karta dowladda Iiraan.

Mar sii horeysay, Wakaalladda Wararka ee AP oo soo xiganeysa mas’uuliyiin Ameerikaan ah ayaa sheegtay, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay soo saartay amar ah in dhammaan shaqaalaha safaaradda aan muhiimka ahayn iyo xubnaha qoyskooda ay isaga baxaan Baqdaad, Baxrayn, iyo Kuwayt.

Wargeyska Waashitoon Post oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa dhankiisa sheegay, in Mareykanka uu ku jiro feejignaan dheeri ah oo laga filan karo weerar ay Yahuuddu ku qaado Iiraan, iyadoo xustay in safaaradaha Mareykanka iyo saldhigyada ciidamada ee gobolka la galiyay heegan buuxa.

Taraam oo su’aal laga waydiiyay wararkan sheegaya, in shaqaalaha dublamaasiyiinta ee Mareykanka laga saarayo Bariga Dhexe ayaa ku jawaabay “”Hagaag, waa la daadguraynayaa sababtoo ah waxay noqon kartaa meel khatar ah.”

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka, xilli ay sii xumaanayayaan wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee ku aaddan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Horaantii Arbacadii, wasiirka difaaca ee Iiraan Caziz Naasir oo ka jawaabayay hanjabaadaha Mareykanka ee ah in uu qaadi doono tallaabo milatari haddii wada xaajoodyadu fashilmaan ayaa waxa uu ku goodiyay, in haday xaaladda gacan ka hadal gaarto uu khasaaraha gaaro Mareykanka  ka badnaan doona kan iyaga soo gaaro. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri mas’uulkan: “Waxaan awood u leenahay inaan gaarno dhammaan saldhigyada Mareykanka ee gobalka”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.