Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsDowladaha Qeybta ka ah Duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya oo ku Shiray Dalka...

Dowladaha Qeybta ka ah Duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya oo ku Shiray Dalka Uganda.

Shir ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa waxaa isugu yimid, masuuliyiin ka socda dowladaha Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga dalka ee magacooda loosoo gaabiyo AUSSOM.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ninka laagu magacaabo John Mugerwa, ayaa kalimad uu ka jeediyay furitaanka shirka waxa uu kaga hadlay arrimaha diiradda lagu saaray kulankaaas.

Waxa uu tilmaamay in shirka lagu soo hadal qaaday dardarta weerarada cusub ee ay wado Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo walaac xooggan ku abuuray Shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka.

Geesta kale waxa uu walaac ka muujiyay taageero la’aanta xagga dhaqaalahaa ah ee uu wajahayo howlgalkaan, kaas oo qarka u saaran in maalgalin la’aan awgeed uburburo.

Halkaan ka Degso Warka Shilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.