Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay horaanta sanadkii 1438 Hijriyada kuna beegnayd sanadkii 2017-kii, xiligaas oo Jamaacada Nusrataul Islaam lagu aas-aasay isutaga afar Urur oo ka jihaadi jiray wadamada galbeedka Afrika, Ururadan ayaana kala ahaa: Ansaaru Diin, Katiibada Maasiinaa, Al-Muraabiduun iyo Laanta Saxaraha ee Al-Qaacida ee dhulka Maqribul Islaam.
Xiligaas ayay Jamaacadu bayco rasmi ah lagashay Urur waynaha Al-Qaacida, waxaana tan iyo markaas hogaamiye u ah Sheekh Iyaad Agh Ghaali oo horay usoo hogaamiyay mid kamida ururada ku midoobay Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxayna awoodeeda ku faafisay inta badan wadamada Saaxiilka, iyada oo ka hawlgasha dalalka kala ah: Burkiina-Faaso, Maali, Niijar, Toogo, Baniin iyo dalka Muritaaniya oo ay Mujaahidiintu mararka qaar hawgallo ka fuliyaan.
Waaberigii hore ee 1-da bishii Juun ee sanadkan 2025-ka, waxaa xili subax ah ay rasaas lama filaan ah is qabsatay saldhig milatari oo ku yaalla halka loo yaqaano Bukeessi ee koonfurta dalka Maali, halkaas oo ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin ay si kedis ah u weerareen, taas oo gilgishay askar cusub oo ku sugnaa saldhigga la weeraray oo dhaca xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Burkiina-Faaso.
Qaar ka mid ah askartii ku sugnaa saldhigga la weeraray ayaa ku cararay kaymo qalalan oo ka agdhawaa goobta uu saldhigu ku yaalay, halka kuwa kalena ay waayeen tab iyo xeelad ay ku baxsadaan, kuwaas oo ugu dambayn ku dhacay Ciidamada mujaahidiinta, sida uu sheegay askari horay uga tirsanaa ciidamada dalkaas oo waraysiyo la yeeshay ciidamada kasoo badbaaday dagaalkan, kaas oo codsaday in aan la shaacin magaciisa.
Dhowr saacadood kaddib, baraha Intarneetka ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujinaya ciidamada mujaahidiinta oo si buuxda gacanta ugu haya dhamaan difaacyadii ay lahaayeen askarta Maali, iyaga oo dhex socdaalayay meydadka askarta la dilay. Mu’assasada Az-Zallaaqah oo subaxaas baahisay sawirro itus oo itaabsii ah ayaa xaqiijisay in goobtaas kaliya la dhigay in kabadan 100 askari, halka ay maxaabiis ahaan u qabteen ku dhawaad 20 kale.
Weerarada laayaanka ah saamaynta wayna ku yeeshay askarta dalka dalalkaas waxaa kamid ahaa hawagalkii ka dhacay saldhigga Bokiisi, kaas oo qeyb ka ahaa mowjado weerarro ah oo uu dhiig badan ku daatay, kuwaas oo lala beegsaday saldhigyo ciidan iyo magaalooyin ku yaalla dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Niijar.
Bayaano isdaba joog ahaa oo xiliyadaas kasoo baxay Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam wal-Muslimiin ayaa lagu sheegay, in muddadaas la dilay, in ka badan 400 oo askari, halka xogaha rasmiga ah ee ay Mu’assasada Az-Zallaaqah u baahiso sida billaha ah lagu xusay, in tirada dhimashadu ay gaarayso ku dhawaad 850 Askari, taas oo ka badan celceliska dhimashada bishii oo gaarta mararka qaar 600 oo askari.