Midowga Yurub ayaa sheegay, inay isku raaceen, in cunaqabateyn cusub la saaro Ruushka sababo la xiriira dagaalka uu ka wado Yukrayn, taas oo looga golleeyahay, in lagu adkeeyo xannibaadaha saaran qaybaha saliidda iyo tamarta ee Ruushka, waxayna noqonaysaa tii 18-aad ee ay dowladahani saaraan Mosko.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, haweenayda lagu magacaabo Kaaya Kalaas, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda “X” ee horay loo oran jiray Tuwiitar-ka waxa ay ku sheegtay, in Midowga Yurub uu hadda ansixiyay mid ka mid ah cunaqabatayntii ugu adkayd ee uu ku soo roga Ruushka, iyadoo intaasi ku dartay, in cunaqabatayntu ay tahay waddada kaliya ay ku joojin karaan dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Yukrayn waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski ayaa soo dhaweeyay go’aankan xanibaadda lagu saaray qaybaha saliidda iyo tamarta ee Ruushka, wuxuuna ku tilmaamay, mid lama huraan ah oo ku soo beegantay xilli Ruushku uu xoojiyey dagaalka cirka ee uu ku hayo magaalooyinka iyo tuulooyinka Yukrayn.
Balse taas badalkeeda Ruushka ayaa si kulul uga jawaabay cunaqabatayntan cusub ee ay ku soo rogeen dowladaha Yurub. Guddoomiye kuxigeenka Golaha Amniga qowmiga ah ee Ruushka ninka lagu magacaabo Diimitri Midfiidif ayaa ku nuuxnuuxsaday, in cunaqabatayntan cusub aysan waxba ka bedeli doonin mowqifka Ruushka ee colaadda, waxa uuna tilmaamay, inay fashil kusoo dhamaan doonaan si lamid ah cunaqabataymadii hore ee uu midawga Yurub saaray Mosko.
Midfiidif oo kamida mas’uuliyiinta ugu caansan aqalka Kirimilinka ee Ruushka ayaa intaasi ku daray, in Ruushka uu qorsheynaya inuu xoojiyo weerarada uu ku hayo Yukrayn, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri, “Weerarro xooggan ayaa waxaa lagu jihayn doonaa bartilmaameedyada waxa loogu yeero Yukrayn, oo ay ku jirto magaalada Kiyeef.”
Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo millatariga Ruushka ay maalmihii lasoo dhaafay la wareegeen magaalooyin horleh oo ka tirsan Yukrayn, xilli dowladaha reer Galbeedka oo uu ugu horreeya Mareykanka ay ku guul-darraysteen, inay xal ka gaaraan xiisadda u dhaxayso labadan dal.