Kadib khilaafkii soo kala dhexgalay labada dowladhood, waxaa la xiray Safaaraddii xukuumadda Asmara ay ku lahayd magaalada Adis-Abab ee caasimadda wadanka Itoobiya.
Safaaraddan oo horay muddo sanado ah uxirnayd, ayaa waxaa dib loo furay markii uu talada Itoobiya qabtay Abiy Axmad, tan iyo xilligaasna waxaa jooga safiir kumeel gaar ah, marna xukuumadda Elateriya ma aysan usoo magaraabin safiir rasmi ah, xattaa kahor khilaafka soo kala dhexgalay iyaga iyo Adis-Ababa.