Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa xiisadda dagaal ee u dhexeysa Dowladaha Itoobiya iyo Eretrea, oo laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo dagaal qaraar.
Sawirro ay qaadeen dayax-gacameedyada ayaa muujinaya saldhigyo waaweyn oo ay ciidanka xukuumadda Asmara ka sameysteen, magaalada Salamba-saa ee gobalka Tigree, halkaas oo ay joogaan ciidamo badan oo katirsan dowladda Eretrea.
Warbixinno ay qortay warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in sawirradaani ay yihiin cadeymihii ugu horreeyay ee muujinaya in ciidanka dowladda Ereterea ay saldhigyo waaweyn ka sameysteen gudaha Itoobiya.
Xogaha ayaa tilmaamaya in saldhigyadaani marka loo barbar-dhigo xarumihii hore ee ay ciidanka Eretrea ku lahaayeen gobalka ay 10 jibaar ka badan yihiin kuwaan cusub, tan iyo bishii janaayo ee sannadkaan ayaana waxaa sii kordhay ciidanka Eretera ee gudaha u galaya Itoobiya.