Habeenimadii xalay waxaa gobolka Canfarta ee kamid ah wadanka Itoobiya lagu garaacay tiro madaafiic ah, kuwaas oo ay wararku sheegayaan iney soo tuurtay xukuumadda Eretrea ee uu hogaamiyayaha kaligii taliyaha ah ee Asias Afawerki.
Madaafiicdu waxay kusoo dhaceen magaalo katirsan gobolka Canfarta oo dhacda dhanka xadka udhaxeeya wadamada Eretrea iyo Itoobiya.