Iyadoo ay ugu yaraan 5 askari ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay gobalka Sanaag, una dhaxeeyay maamulka la baxay Puntland iyo ciidamo kasoo horjeeda maamulkaas, ayaa waxaa eedeymo isku jeediyay Dowlaadda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Puntland.
Dowladda Fedaraalka ayaa madaxweynaha maamulka la baxay Puntland Saciid Dani ku eedeeyay inuu hurinayo colaadda ka taagan gobalka Sanaag, iyadoo ugu baaqday inuu ka joogsado arrinkaas.
Geesta kale wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Puntland ayaa war ay soo saartay waxaa Dowladda Fedaraalka loogu jeediyay, eed ah iney iyadu masuul ka tahay dagaalkii shalay ka dhacay gobalka Sanaag.
Halkaan ka Degso Warka Eedeymaha