Monday, April 14, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Amarro Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya.

Dowladda Fedaraalka oo Amarro Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya.

Dowladd Fedaraalka ayaa amarro dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha ee duulimaayada ka sameeya gudaha Soomaaliya, iyado sido kale kusoo rogtay mashruuc ay dhaqaale ku raadineyso.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladd Fedaraalka ayaa shirkadaha diyaaradaha amar ku siisay iney qaataan shahaado ay horay uhaysteen, taasoo ah mashruuc dhaqaale ka sameyneyso.

Sido kale waxay sheegtay in gebi ahaanba la baarayo diyaaradaha, hawaduna aysan amaan ahayn.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli hawada Soomaaliya ay maalmihii tegay kallaabteen diyaarado Caalmi ah, kuwasoo kasoo degi waayay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Madaafiic la beegsatay xerada Xalane oo daris la ah.

Dhacdadaasi waxay sababtay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu noqdo meel aan la isku halleyn karin amnigiisa, amarka ay soo rogtay Dowladd Fedaralk ayaa cadeyn u ah saameyn ay arrintaasi ku reebtay Dowladda Fedaraalka gudah dalka iyo caalami ahaan inataba.

Halkaan ka Degso Warka Duulimaadyada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.