Waxaa marba marka ka dambeysa fashil iyo fadeexad wajahayo mashruuca doorashada qof iyo codka lagu sheegay ee ay Muqdisho ka wadaan gudi uu sameystay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Haweeney kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerayaha qaxootiga ee ay hay’adaha shisheeye ka sameeyeen magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in la qasbayo dadka qaraxootiga ah, iyadoo loo adeegsanayo xubno ka socda gudigan.
Waxay intaasi ku dartay haweeneydan, in iyagoo aan waxba sameyn inta raashin loo qeybiyo loo diiwaangelinayo iney codeeyeen.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Maryam Jeylaani ayaa dhan kale sheegtay in Xasan Sheekh uu kusoo rogay barakac, cuna qabateyn iyo ciqaab.