Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Billawday Afduubka Dadka si ay Ugu Qasabto Diiwaan-galinta Doorashooyinka.

Dowladda Fedaraalka oo Billawday Afduubka Dadka si ay Ugu Qasabto Diiwaan-galinta Doorashooyinka.

Kadib markii uu socon waayay mashruuca loogu yeeray doorashada qof iyo codka ah ee ay Dowladda Fedaraalka sheegtay iney ka qabaneyso magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay taasi dhalisay in ay ciidamadu qafaalaan dadka shacabka ah.

Dowladda Fedaraalka ayaa billawday iney wadada ugasho gaadiidka dadka shacabka ah, qaarkoodna ay guryaha ugu gasho, iyadoona ku qasbeysa iney iska diiwaan galiyaan doorashooyinka

Laga soo billaabo Ifka Xalane, Miizaanka Dhuxusha, Towfiiq, Saraha Ceymiska, Ex-Koontarool Balcad, Illaa laga gaaro Soos ayay Dowladda Fedaraalka ka wadaa qafaalka dadka shacabka ah, kuwaas oo ay geyneyso xarumo si qasab ah la isaga diiwaan galinayo.

Muuqaal qabsaday baraha internetka ayaa muujinaya, ciidamada Dowladda Fedaraalka oo isku dayaya iney qori caaradiis ku ka xeeyaan dad shacab ah oo saaran gaari wadada marayay, balse dadka rayidka ah ayaa ka hor imaanaya arrinkaas.

Halkaan ka Degso Warka Muqdisho

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.