Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay wajaheysay xaalado amni iyo kuwa dhaqaale, ayaa waxa ay markale Dowladda Fedaraalka soo rogtay amar ka dhan ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan caasimadda ayay Dowladda Fedaraalka ku amartay iney qaataan waxa ay ugu yeertay kaarka aqoonsiga qaranka, kaas oo ah mashruuc ay lacago horleh kaga sameynayo.
Xamse Cabdi Barre oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in aan waxba loo qaban doonin islamarkaana aan tacaamul ganacsi sameyn doonin qofkii aan wadan kaarkaas.