Maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka ayaa burburiyay qeybo kamid ah goobo ganacsi oo ku yaala wadada Makka Al-mukarrama.
Ciidamo wata baldoosaro waaweyn ayaa xalay howlgallo burburin ah ka sameeyay wadada, iyagoo dumiyay ganacsiyo yaryar oo hareeraha wadooyinka ku yaalay.
Arintan ayaa la sheegay iney la xiriirto soo dhaweynta wafdi maalinta Khamiista imaan doona magaalada Muqdisho, oo uu kamid yahay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.