Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Dad Aano Qabiil loo Dilay ku Sifeysay Iney Yihiin...

Dowladda Fedaraalka oo Dad Aano Qabiil loo Dilay ku Sifeysay Iney Yihiin Al-Shabaab.

Saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Qaayib oo katirsan gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maleeshiyaadka ayaa waxa ay weerarkaan ku dileen ugu yaraan 4 ruux oo kamid ah dadka deegaanka, iyadoo isl darraaad 2 ruux deegaannadaasi loogu dilay aano qabiil.

Arrinta la yaabka leh ayaa waxa ay tahay, in Dowladda Fedaraalka ay dadkaasi aanada qabiil loo dilay ku sifeysay iney katirsan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xasan Xirsi Xaashi oo ah xildhibaan katirsan maamulka la baxay Galmudug ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay, hadalka kasoo yeeray Dowladda Fedaraalka ee ay dadka shacabka ah ku baneysaneyso dhiigooda, isagoo xusay in tani ay keeni karto kala fogaasnho.

Halkaan ka Degso Warka Qaayib

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.