Dowladda Fedaraalka ayaa Shisheeyaha ka codsaday hub iyo gaadiid, xilli Mareykanku uu ku baaqay in la joojiyo taageerada duullaanka ay ka wadaan Soomaaliya.
Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Fedaraalka, ayaa isagoo ka qeyb galayay shir ay yeesheen xubno ka socda waxa loogu yeero beesha caalamka iyo kuwa Dowladda Fedaraalka waxa uu muujiyay, burburka ay wajaheyso dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Fiqi ayaa Shisheeyaha ka codsaday in ay Dowladda Fedaraalka ku taageeraan hub iyo rasaas, iyadoo ay xusid mudan tahay iyo gaadiidkii iyo hubkii horay loogu qalabeeyay ay ugacan galeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.