Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbalan, ayaa waxa ay Dowladda Fedaraalka hakisay duulimaadyadii tagi jiray degmada Doolow ee gobalka Gedo.
Arrintaan oo salka ku heysa khilaafka udhexeeya labada dhinac ayaa timid, kadib markii ciidamada Xabashida Itoobiya ay xireen 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka dagay garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.
Dowladda Fedaraalka oo ka jawaabeysa xariga ay Itoobiyaanku ugeysteen askarteeda ayaa waxay gabi ahaanba joojisay, duulimaadyadii aadi jiray degmada Doolow.
Waxay sheegtay in duulimaadyadu ay dib ubillaaban karaan oo kaliya marka lasii daayo askarta ay Xabashidu gacanta ku heyso, inta ka horeysana aysan garoonka soo aadi doonin wax duuliimaadyo ah.