Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Hanjabaad Culus u Dirtay Mucaaradkeeda.

Dowladda Fedaraalka oo Hanjabaad Culus u Dirtay Mucaaradkeeda.[DHAGEYSO]

Dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay iney tallaabo adag ka qaadi doonto siyaasiyiin ay ku sifeysay iney khalkhal galin ku hayaan amnigeeda.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo goob isku imaatin ah ka hadlayay ayaa waxa uu hanjabaad u diray mucaaradka Dowladda Fedaraalka.

Yabooh ayaa waxa uu tilmaamay, in ay jiraan dad siyaaasiyiin iyo xildhibaanno ah oo khalkhal galin ku hayo amniga Dowladda Fedaraalka, islamarkaana aan laga yeeli doonin qorshahooda sida uu hadalka u dhigay.

Maxkamadaha Dowladda Fedaraalka ayuu faray iney tallaabo adag ka qaadaan dadkaas uu tilmaamay, iyo kuwa diidan in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Halkaan ka Degso Warka Dowladda Fedaraalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.