Waxa ay Dowladda Fedaraalka gabi ahaanba hakisay duulimaadyadii rayidka ee ka bixi jiray garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Tani ayaa kusoo aadeysa kadib markii sharikadaha duulimaadyada ay iska diideen in diyaaradooda ay aadaan deegaanka Raskambooni, oo uu kol sii horreysay maamulka la baxay Jubbaland mamnuucay iney diyaarado kasoo dagaan halkaas.
Iyadoo ka jawaabeysa diidmadaas ayay Dowladda Fedaraalka waxa ay hakisay dhammaan duulimaadyadii aadu jiray goballada dalka, waxaana muuqaneysa in bulshadu ay labada dhinac caqabado ka heystaan sida ay sheegayaan dadka xog ogaalka ah.