Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo ka Hadashay Dhaqdhaaqyada Mucaaradku ka Wadaan Muqdisho.

Dowladda Fedaraalka oo ka Hadashay Dhaqdhaaqyada Mucaaradku ka Wadaan Muqdisho.

Dowladda Fedaraalka ayaa ka hadashay hubkii ay dhawaan lasoo baxeen mucaaradka iyadoo sheegtay in ciidankii ilaalinayay ay kasaari doonto liiska askarteeda.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Fedaraalka Cumar Cali Cabdi ayaa ka hadlay ciidamadii ilaalada u ahaa mucaaradka oo ay Jimcihii hub ku dhexmareen Muqdisho xilli ay rabeen iney shir ku yeeshaan qeybo kamid ah caasimadda.

Wuxuu sheegay ineysan udulqaadan doonin hubka, gadiidka iyo ciidamada ay lasoo baxeen mucaaradka, isagoo askartii ilaalineysay ugu hanjabay iney la xisaabtami doonaan kana saaridoonaan ciidankooda.

Halkaan ka Degso Warka Dowladda Fedaraalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.