
Iyadoo maalimihii lasoo dhaafay ay Dowladda Fedaraalka kordhisay xariga ay ugeysanayo saxafiyiinta iyo dadka kale ee tabinaya wararka xaqiiqada ku saleysan, ayaa waxa ay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh muujisay sida ay uga walaacsan tahay faafitaanka wararkaas.
Mahdi oo ah taliyaha ciidamada Boliska Dowladda Fedaraalka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu markale ka hadlay walwalka ay ka qabaan wararka xaqiiqada ku saleysan ee ay tabinayaan warbaahinta iyo dadka ku dhaqan gobalka Banaadir.
Waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax la yiraahdo dhex-dhexaad, ayna kasoo horjeedaan wararka xaqiiqada ah, waxaana hadalkiisa ku jirtay isburin badan.
Mar waxa uu tilmaamay ineysan diidaneed waxa ay ugu yeeraan Xurriyatul Qowlka, isagoo isla xilligaas sheegay ineysan warbaahinta iyo dadka shacabka ah dhex-dhexaad ka noqon karin dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.