Monday, May 5, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo ku Baaqday in la Dhibaateeyo Dadka Kasoo Horjeedo Doorashada.

Dowladda Fedaraalka oo ku Baaqday in la Dhibaateeyo Dadka Kasoo Horjeedo Doorashada.

Maalintii shalay waxaa baraha internetka si weyn uqabsaday hadal uu jeediyay mid kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka, kaas oo uu ugu hanjabay dadka kasoo horjeedo doorashooyinka ay qabanayaan.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Faarax Cadaani Maxamed ayaa ku baaqay in maqar lala dhaco, garaacis iyo xabsi la isugu daro qofkii diida in lagu qasbo mashruucan isdiiwaan gelinta doorasho qof iyo cod ay ku sheegeen ee ay maalmahan kawadaan degmooyin kamid ah Muqdisho.

Wuxuu qiray eed loo jeediyay oo ahayd in mashruuca idiiwaan gelinta xubnaha ka qeybgeliya ay yihiin shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Dowladda Fedaraalka, gudoomiyaasha degmoouyinkuna dadka qasbayaan, in bulshada loo cadeeyo oo ay ogaadaan arrintaasi ayuuna sheegay iney fadeexad ku tahay.

Waxaa la yaab leh in habka uu uhadlayo gudoomiyahan aaneyn ka muuqan wax mas’uuliyad ah marka loo eego sida ay iyagu sheegtaan, waxa uuna amrayaa in shacab ku nool degmada Kaaraan ee ka aragti duwan ama aan rabin maamulka lagu xad gudbo, naftooda iyo maalkoodana la wax yeelleeyo.

Halkaan ka Degso Warka Gudoomiyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.