Dowladda Fedaraalka ayaa ku guuldarreysatay iney dib usoo celiso ciidankii dhawaan gadoodka uga baxay degaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe.
Askartan oo muddoo labo maalin ah jidka kusii jiray ayaa shalay gaaray magaalada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Waxay diideen iyaga iyo saraakiisha hogaamineysa iney dib ugu laabtaan saldhiggii ay kasoo baxeen, iyagoo la sheegay in gadoodkoodu uu salka ku hayo, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo dhawaan lagu laayay Ceel-Baraf.
Fashilkan ayaa wali dul hoganaya Dowaladda Fedaraalka, ciidamadanna ma ahan tiro yar, waxaana laga soo duubay muuqaal iyagoo lugeynaya duleedka Jalalaqsi, kala daadsanaan badanina ka muuqato.