Cali Maxamed Cumar oo loo yaqaan Cali Balcad ayaa lagu wareystay barnaamij lagu magacaabo One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World ee laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna wareysigaasi kaga hadlay warqaddii ay dhawaan udireen dowladda Mareykanka iyo arrimihii ku xusnaa.
Wuxuu sheegay Cali Balcad in ay xukuumadda Wshington ka codsadeen iney cosbooneysiiso heshiis ay dowladdii Millateriga ee Maxamad Siyaad Barre horay ula gashay Mareykanka, kaasoo u ogalaanaya iney iska maamulato dekadaha dalka Soomaaliya.
Dekado dhowr ah oo ay kamid tahay tan Muqdisho ayuu sheegay wasiiru-dowluhu, iney ubandhigeen Mareykanka, isagoo sheegay iney xatta kuw dheeraad ah ugu derayaan haddii uu ubaahdo.