Dowaladda Fedaraalka ayaa Xukuumadda Turkiga la saxiixatay is-afgarad Maalgashi lagu sheegay oo Turkida usuuragelinaya iney iska gurtaan Kheyraadka Soomaaliya.
Is-afgaradkan ayaa qeyb ka ah heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha lagu tilmaamay ee ay horay ukala saxiixdeen Dowladda Fedaraalka iyo tan Trukiga.
Wafdi kasocda xukuumadda Ankara ayaa shalay yimid Muqidhso si uu qalinka ugu duugo, is-afgaradkan, wuxuuna la kulmay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Fedaraalka Axmed Xassan Aadan.
Is-afgaradkan ayaa kusoo aadaya iyadoo warbixin dhawaan ay faafisay hay’ad Caalamiya lagu sheegay, in la boobay kalluun badan oo ku jiray badaha Soomaaliya, waliba nooc qaaliya si gaar ah loo beegsaday.