Iyadoo marba marka ka dambeysa ay Dowladda Fedaraalka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho kusoo rogeyso mashaariic ay dhaqaale ku sameyneyso, ayaa waxa ay markale mashruuc horleh kusoo rogtay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka laba lugaaleyda ah.
Dhalinyarada oo wajahaya dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmayaan Dowladda Fedaralka ayaa waxa ay kasoo horjeesteen, kaar aqoonsi ah oo waajib looga dhigay iney qaataan wadayaasha mootooyinka.
Waxa ay tilmaameen in horay ay dhibaato badan ugu qabeen mashaariicda tira beelka ah ee lagu soo rogay oo ay u dheereed dhibaatada ay kala kulmayaan ciidanka, haddana aysan yeeli doonin kaarkaan aqoonsiga lagu sheegay.