Dowladda Fedaraalka ayaa magaalada Garbahaarrey ee gobalka Gedo ku xirixrtay odayaal taabacsan maamulka la baxay Jubbaland, kuwaas oo shalay magaalada ku qabtay shir ay kaga soo horjeedaan Dowladda Fedaraalka.
Intaas kadib Dowladda Fedaraalka ayaa weerar ku qaaday odayaashaas iyadoona xabsiga dhigtay, waxaana mid kamid ah odayaasha oo xabsiga ka baxsaday uu la hadlay warbaahinta.
Waxa uu sheegay in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay ugeysteen jirdil xooggan iyo tacaddiyaad kale, isagoona xusay in ay is difaaceen maadaama odayaashu qaar ay hubeysnaayeen balse laga awood roonaaday.