Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen qeylo-dhaanka ay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ka muujinayaan, doorashooyinka qasabka ah ee ay Dowladda Fedaraalka dooneyso iney ka qabato gobalka Banaadir.
Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay xittaa ka fakan waayeen ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo Iskuullada magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay si qasab ah ku diiwaan galineyso.
Dowladda Fedaraalka oo qiratay in ay diiwaan galineyso ardayda ayaa waxa ay si cad u sheegtay in ay gaartay goobaha waxbarashada, si ay udiiwaan galiso ardayda wax ka barata goobahaas, waxaana arrinkaasi xaqiijinaya Cabdullaahi Salaad Yarow oo xubin sare ka ah guddiga ay Dowladda Fedaraalka u wakiishatay diiwaan galinta doorashooyinka.