Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Sheegtay in Itoobiya & Masar ay Qeyb ka Yihiin...

Dowladda Fedaraalka oo Sheegtay in Itoobiya & Masar ay Qeyb ka Yihiin Howlgalka AUSSOM .

Dowladda Fedaraalka ayaa shaacisay in ciidamada Masar iyo Itoobiya ay dhamaantood qayb ka noqonayaan howlgalka magaciisa loosoo gaabiyo AUSOM ee ciidamada Shisheeye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Fedaraalka Axmad Macallin Fiqi, ayaa sheegay in sedax bilood gudahood ay ku imaanayaan labada ciidan ee ka kala socda Masar iyo Itoobiya.

Fiqi wuxuu xusay in imaashaha ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya ay wadahadallo la xiriira oo ku tilmaamay kuwo farsamo socdaan.

Hadalkan kasoo yeeray Dowladda Fedaraalka ayaa imaanaya xilli dhawaan Xasan Sheekh uu labo safar oo kala duwan ku tegay, dalal Masar iyo Itoobiya oo aan heshiis ahayn.

Halkaan ka Degso Warka Dowladda Fedaraalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.