Saalax Cali Maxamuud Saalax Dabaan, oo ah gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay xabsiyo waaweyn in laga dhiso Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in xabsiyada Dowladda Federaalka ay buuxaan, dadka lasoo qabtana aan loo heynin meelo lagu xiro, sidaasi darteed ay tahay in xabsiyo waaweyn la dhiso.
Arintan ayaa u muuqaneysa mid lagu dooanyo in lagu kordhiyo cadaadiska lagu hayo reer Muqdisho, kuwaasoo si micno darro ah loo xiro, kadibna laga dalbado iney dhiibaan lacago farabadan oo laaluush si loo sii daayo.