Tuesday, June 17, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo Shir Hal Dhinac ah ku Qabatay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Fedaraalka oo Shir Hal Dhinac ah ku Qabatay Magaalada Muqdisho.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay, shir hal dhinac ah kaas oo uu hogaaminayay Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.

Shirkaan oo lagu sheegay inuu yahay kii uu Xasan horay ugu baaqay, islamarkaana ay yeelan lahaayeen mucaaradka iyo Dowladda Fedaraalka, ayaa waxaa maalintii shalay ka muuqatay fashil iyo fadeexad, kadib markii shirka laga waayay mucaarad muuqda oo goob joog ahaa goobta.

Hogaamiyayaasha siyaasiyiinta mucaaradka ayaanan soo xaadirin goobta, kuwaas oo horay u sheegay ineysan ka qeyb galeynin shirka uu ku baaqan Xasan Sheekh, illaa uu madaxweyunuhu ka hagaajiyo khaladaad ay sheegeen iuu ku hogaaminayo Dowladda Fedaraalka.

Xasan Sheekh oo shirka ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay, in Dowladda Fedaraalka ay maanta iyadu tuugtameyso, islamarkaana ay mucaaradka ku baryayaan iney la hadlaan kana kasoo qeyb galaan shirka uu horay ugu baaqay, isagoo qiray iney jiraan xubno ay ka dalbadeen iney shirka yimaadaan balse aysan ka helin wax jawaab ah.

Halkaan ka Degso Warka Shirka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.