Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay xalay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ku qaaday, saldhigyada Millatari ee uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Dowxa ee caasimadda dalka Qadar, ayaa waxaa isa soo taraya dowladaha iyo xubnaha cambaareynaya weeraradaas.
Dowladda Fedaraalka ayaa kamid ah dowladaha sida adag u cambaareeyay, weerarada ay xukuumadda Shiicadaa ah ee Iiraan ku qaaday, saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay dalka Qadar,
War kasoo baxay Wasaaradda Arrmaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay, iney si adag ucambaareynayaan weerar ay cudwaan iyo xadgudub ku tilmaameen oo ay Iiraan ku qaaday xarumaha ciidan ee uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Dowxa.
Warka kasoo baxay Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in weerarkaan uu wax u dhimayo waxa loogu yeero qawaaniinta dowliga ah, islamarkaana uu xadgudub ku yahay madax-dabaanida Qadar sida ay hadalka udhigtay.
Dowladda Fedaraalka ayaa la aaminsan yahay in arrintaan ay ku dooneyso sidii ay Mareykanka iyo Qadar uga heli laheyd kaalmo dhaqaale, kadib markii dhawaan ay xaqiijisay in Shisheeyaha caalamka ay ka jarteen dhaqaalihii ay ka heli jirtay.