Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsDowladda Fedaraalka oo u Goodisay Dadka Kasoo Horjeeda Xisbi ay Xalay ku...

Dowladda Fedaraalka oo u Goodisay Dadka Kasoo Horjeeda Xisbi ay Xalay ku Dhawaaqday.

Waxaa xalay magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xisbi ay sameysteen Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, iyadoo Dowladda Fedaraalka ugoodisay dadka kasoo horjeeda xisbigaas.

Habeenkii xalay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya looga dhawaaqay, urur siyaasadeed ay sameysteen Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, kaasoo la sheegay inuu godoomiye iyo musharraxba ka yahay Xasan Sheekh, waxaana xubno ka ah qaar kamid ah madaxda ugu sarreysa Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xisbigan ayaa iyadoo horraanba la diidanaa wuxuu hadane mar kale la kulmay mucaaraddo hor leh, hase ahaatee waxay arrintu cirka isku shareertay markii Wasiirka Amniga Dowladda Fedaraalka oo kulankii xalay xisbiga lagu shaacinayay uga hanjabay xubnaha mucaaradka ee diidan urur siyaasadeedkooda.

Xisbiga xalay lagu dhawaaqay ayaa loogu yeeray magaca Cadaaladda iyo Wadajirka, wuxuuna Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah Wasiirka Amniga Dowladda Fedaraalka sheegay in ciddii ka hor timaada xisbigooda ay iska qaban doonaan.COD

Ururkan ay dhisteen Xasan Sheekh iyo inta taageersan, ayey sheegeen inuu isago qaban doono nooca doorasho ee ay qabsaneyso Dowladda Fedaraalka, waana taasi midda sida wayn ay udiidan yihiin mucaaradka.

Halkaan ka Degso Warka Kulanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.