Dowladda Fedaraalka ayaa ku goodisay iney xabsiga dhigi doonto Saraakiisheeda haddii mar dambe madaafiic lagu garaaco xarumaheeda iyo kuwa Shisheeye ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir ninka lagu magacaabo Mahdi oo la hadlayay saraakiil katirsan ciidanka Booliska, ayaa waxa uu si adag ugu goodiyay in haddii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weeraro Madaafiic ah ka geystaan Muqdisho ay xabsiga dhigi doonaan saraakiishooda lana ciqaabi doono.
Waxa uu sheegay in weerarada Madaafiicda ah ee ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qalqal xooggan ku abuureen Shisheeyaha kusoo duullay dalka iyo Dowladda Fedaraalka.