Marba marka ka dambeysa Dowladda Fedaraalka ayaa qaadeysa tallaabooyin ay Dowladaha Shisheeye ugu beylihineyso dhaqaalaha umadda Soomaaaliyeed, iyadoo heshiisyo la galeysa dowlado dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya.
Hishiis lagu sheegay deyn cafin ayay Dowladda Fedaraalka la saxiixatay mid kamid ah wadamada Carbeed, iyadoo horay loogu lahaa deymo badan.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Biixi Imaan Cige, iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Fu’aad Al-Turki ayaa waxa ay wada saxiixdeen heshiis deyn cafin ah, kaas oo muddo sadex sano ka badan uu wada xaajoodkiisu soo socday.
Deynta ay sheegtay in Dowladda Fedaraalka laga cafiyay ayaa gaareysa $306.5 Milyan oo dollar, taas oo ay tilmaamtay iney cuuriyaamisey mashaariic lagu cuuriyaaminayo dhaqaalaha dalka.
Xaqiiqada dhabta ah ee waxa loogu yeero deyn cafinta ayaa ah nidaam maaliyadeed gumeysi ku dhisan, islamarkaana lagu maquuniyo dowladaha soo koraya laguna boobo dhaqaalahooda.
Mu’assasada Al-Kataa’ib ayaa shalay billawday baahinta taxane looga hadlayo, duullaanka dhaqaale ee ay Dowladaha Shisheeye oo ay ugu horreeyaan reer-galbeedka kusoo qaadeen Soomaaliya, waxaana qeybta 02aad ee taxanahaan ay Mu’assasadu ballan qaaday iney kusoo bandhigi doonto, xaqiiqooyin badan oo ku saabsan shirqoollada deyn cafinta.