Wali waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya afduubka iyo dhibaatooyinka kale ee ay geysanayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo dadka shacaba ah ku qasbaya iney ka qeyb galaan doorashooyinka.
Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa guryaha ugu galaya dadka rayidka ah, iyagoo aan kala reebeynin dadka xanuunsan iyo kuwa kale intaba.
Muuqaal qabsaday baraha Internetka ayaa lagu arkayaa ciidamo qori caaradii ku xeynaya arday iyo macallimiintooda, iyagoo xittaa aan dhaafeyn haweenka umusha ah.