Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa xabsiga dhigay gaadiidley ka hadashay dhac iyo baad ay kala kulmayaan Dowladda Fedaraalka.
Kadib maalmo kooban kahor oo ay warbaahinta ka hadleen xubno katirsan guddiga gaadiidleyda ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ka cawdeen dhac iyo baad ay kala kulmayaan Dowladda Fedaraalka, ayaa waxaa ugu dambeyn ay ciidamadu xabsiga dhigeen shaqsiyaadkii ka hadlay dhibaatada lagu hayo.
Gaadiidleydaan oo badeecadaha kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho islamarkaana geeya qaar kamid ah goballada dalka, ayaa waxa ay sheegeen in dhac baahsan ay kala kulmayaan masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka.
Qaar kamid ah xubnihii ka hadlay dhibaatadaan ayay ciidanku ka kaxeysteen garaash ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay ciidanku la wareegeen gaadiidka darawallada sida uu sheegayo mid kamid ah gaadiidleyda.