Magaalad Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka furmay shir udhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo maamulka goboleeydyada xubnaha ka ah oo aysan oo ay qaarkood madasha ka maqan yihiin, sida maamullada la kala baxay Jubbaland iyo Puntlnad.
Balse arrin ka dawan kasoo qeyb gal la’aantaasi ayaa kasoo baxday shir hordhac ah ee waqtigiisa kasoo dib dhacay kana qabsoomay magaalada Xamar.
Maamulka la baxay SSC-Khaamtumo oo ay Dowladda Fedaraalku horay ugu aqoonsatay inuu yahay maamul goboleed iyada katirsan ayeyna ka laabatay aqoonsigii ay siisay, iyadoo ninka ugu sarreeya maamulkaas ku sheegtay hogaamiye, halka maamul goboleedyada kale loogu yeeray madaxweynayaal, taasi oo tusineysa in loo muujinayo inusan lamid ahayn maamullada kale ee qeybta ah shirka.
Bayaan kasoo baxay madaxtooyada looga arrimiyo Dowladda Fedaraalka ayaa si cad loogu xusay warkan, waxaana aqriyay Afhayeen Villa Soomaaliya ninka lagu magacaabo C/Raxmaan Aadam.
Aqoonsiga maamulkan waxaa horay ugu dhawaaqay mar uu tegay magaalada Laascaanood Ra’iisulwasaaraha Dowladda Fedaraalka, arrintan ayaa muujineysa in uu jiro khilaaf ka dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka iyo Xamse Cabdi Barre, islamarkaana aysan ka mideysaneyn aqoonsiga maamulkan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar wax laga waydiiyay safarkii Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood iyo aqoonsiga maamulkan oo aan kolkaas lagu dhawaaqin balse soo dhawaa, wuxuu horay usheegay islamarkaana warbaahina la wadaay, in Xamse uu hawl kale ujoogo magaaladaasi.