Faysal Sheikh Cali oo kamid ah siyaasiyiinta ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay, in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay ka shaqeyneyso sidii madaxa la isugu gelin lahaa qabaa’ilka Soomaaliyeed ee dega gobolka Mudug.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso in qabaa’ilka halkaas dega is dagaallaan, sababo ku aadan iyadoo deegaannada ay ku noolyihiin ay Dowladda Federaalka sheegeyso iney taabacsanyihiin maamul gaar ah ama qabiil gooni ah.