Gobalka Tigree ee dhaca woqooyiga dalka Itoobiya ayaa lasoo warinayaa in Dowladda Xabashida Itoobiya ay gobalkaasi kusoo rogtay go’doomin adag.
Xukuumadda Adis Ababa ayaa waxa ay joojisay kolonyo gaadiid ah oo siday badeecado kala duwan, kuwaas oo ka yimid dhanka Jabuuti.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Tigreega ayaa si adag loogu cambaareeyay, god’oominta ay Dowladda Xabashida Itoobiya kusoo rogtay gobalka Tigreega, iyagoonaa Itoobiya ka dalbaday iney jawaab ka bixiso sababta ay isku hortaagtay gaadiidkaas.