Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay dalka Suuriya kala baxday illaa Shan Boqol oo askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda militariga, kuwaas oo ku sugnaa gobollo kala duwan oo ka tirsan Suuriya mudo ka badan Toban sano. Washitoon ayaa sidoo kale xirtay laba saldhig, halka mid kalena ay si buuxda ugu wareejisay ciidamada Kurdiyiinta ee loo yaqaano Qasad, sida uu shaaciyay mas’uul sare oo ka tirsan Bentagon-ka oo la hadlay warbaahino caalami ah.
Mas’uulkan ayaa sheegay, in talaabadani tahay mid lagu fulinayo awaamir kasoo baxday aqalka sare ee Maraykanka, isla markaana ku saleysan xaaladda dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka Suuriya, taas oo qayb ka ah dib u qaabayn uu Mareykanku ku samaynayo joogitaankiisa milatari ee gobolka.
Sida uu caddeeyay masuul Ameerikaan ah oo lagu magacaabo ee Tuum Baaraak, oo wareysi siiyay telefishinka NTV ee Turkiga, ayaa sheegay, in qorshuhu yahay in tirada saldhigyada Mareykanka ee Suuriya la dhimo, iyada oo Sideeda saldhig ee hada shaqeeya lagasoo reebayo hal saldhig oo kaliya. Baaraak ayaa si cad u sheegay, in siyaasadda cusub ee Mareykanka ee ku wajahan Suuriya aysan la mid noqon doonin tii lagu dhaqmi jiray sanadadii hore, kuwaas oo kusoo dhamaaday natijo la’aan.
Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii 2014-ka, si rasmi ah duulaan ugu joogay dalka Suuriya, halkaas oo uu ka gaystay gabood falo xanuun badan oo ay ku naf waayeen kumanaan muslimiin ah, kaas oo ugu damabayn kusoo dhamaaday fashil iyo guul daro, sida ay iyaguba qirteen kuna khasbay inay badalaan istaraatiijiyadii ay ku joogeen gobolka.