Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay, in wasaaraddu ay Jimcihii bilowday inay shaqada ka joojiso in ka badan 1,300 oo shaqaale, arintaas oo ku daba faylayso shaqaalo farabadan oo uu horay shaqada uga fariisiyay maamulka Doonal Taraam.
Wargeyska CNN ee kasoo dalka Mareykanka ayaa sheegay, in shaqaalaha ay ogeysiisyada shaqo ka joojinta ah, farriin ahaan loogu soo tuuri doona Teleefoonadooda gacanta, iyadoo wargayska uu xusay, in ogeysiis gudaha ah oo uu helay uu tilmaamayo, in shaqada laga cayrin doono 1,107 shaqaale oo ka hawlagalo gudaha Mareykanka iyo 246 kale oo ka shaqeeya wasaaradaha arimaha dibadda ee dalkaas.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay fulinayso dadaallada ballaaran ee uu maamulka Taraam ku doonayo inuu ku dhimo shaqaalaha dowladda Federaalka, Kadib markii ay Mareykanka soo wajahday dhaqaalo yari.
Shabakadda Ameerikaanka ah ee CNN ayaa sheegtay, in Mareykanka uu ku talo jiro inuu baabi’iyo Boqolaal xafiisyo ah ama wax ka beddal lagu sameeyo, taasoo ah natiijada isbeddello Jimcihii la hirgeliyay.
Dadka ka soo horjeeda shaqo ka joojintan ayaa sheegay, in ay dhibaato weyn ku keeni doonto siyaasadda arimaha dibadda ee Mareykanka, iyagoona tilmaamay, in dawrka dublamaasiyiinta iyo khubarada arrimaha dibadda uu muhiimad gaar ah u leeyahay dagaallada ka socda Yukrayn iyo mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe.
Bayaan uu soo saaray jimcihii ururka adeegga arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in wax ka yar lix bilood gudaheed, Mareykanka uu shaqada ka fariisiyay ugu yaraan boqolkiiba 20% shaqaalahooda diblomaasiyadeed iyadoo la xiray xarumihii ay ka halw-galeeyeen isla markaana iscasilaad qasab ah lagu sameeyay.