Thursday, April 17, 2025
HomeAll NewsDowladda Mareykanka oo Xabsiga Dhigtay Mid Kamid ah Soomaalida ku Nool Dalkeeda.

Dowladda Mareykanka oo Xabsiga Dhigtay Mid Kamid ah Soomaalida ku Nool Dalkeeda.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya, in saraakiisha ilaalada xuduudaha ee dalkaas ay xabsiga dhigeen muwaadin Soomaali ah, kaas oo loo heysto isticmaalka maandooriyaha iyo ka ganacsigiisa.

Ninkaan lagu xiray dalka Mareykanka ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Maxamed Cali, waxaana la sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay uu si dhuumaaleysi ah kusoo galay Mareykanka, kadib markii uu ka yimid dalka Canada oo uu daganaa.

Saraakiisha gacanta ku dhigay Yuusuf ayaa waxa ay sheegeen in hadda baaritaanno lagu wado, sidoo kalana uu leeyahay taariikh dambiyeed la xiriira Maandooriyaha, dacwadda lagu soo oogay ay suuragalin karto in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Wadamada reer-galbeedka ayaa waxaa ka jira kooxo gangis ah oo u dhashay dalalkaas, kuwaas oo dhibaatooyin badan ka geysta gudahaa dalalka ay udhasheen, dowladahaan ayaana waxba ka qaban dadka nuucaas ah, iyadoo taa badalkeeda ay dacwado kusoo oogaan dadka soo galootiga ah, kuwaas oo qaarkood la saaro eedeymo waxba kama jiraan ah sidaba marar badan ay horay dhacday.

Halkaan ka Degso Warka Muwaadinka la Xiray

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.