Dowladda Norwey oo kamid ah dowladaha reer-galbeedka ee dagaalka kula jira Muslimiinta, ayaa waxa ay xukun adag ku riday 2 gabdhood oo Soomaali ah oo isla dhashay.
Xukuumadda Norwey ayaa labadaan gabdhood ee walalaaha ah waxa ay ku eedeysay iney katirsan yihiin waxa ay ugu yeertay ururada “Argagaxisada” ah, waxa ayna da’doodu kala tahay 27 jir iyo 31 jir.
Muddo 4 sano ah ayaa lagu xukumay gabadha weyn, halka walaasheedna lagu riday xabsi dhan 2 sano, waxa ayna iska fogooyeen eedeymaha loosoo jeediyay.
Dowladaha reer-galbeedka ayaa marar badan waxa ay sidaan oo kale xukunno adag ugu rideen dad Muslimiin ah, kuwaas oo ay eed uga dhigeen kamid ahaanshiyaha waxa ay ugu yeeraan uruurada “Argagixisada”, balse ujeedadu dhanta ah ay tahay dagaalka ay kula jiraan Mislimiinta.
Mareykanka ayaa kaalinta 01aad kaga jira dowladaha Reer-galbeedka ee dhibaatada badan ku haya dadka Muslimiinta ah, waxaana xabsiyada dowladdaan ku xiran Muslimiin badan oo ay xukuumadda Washington ugeysato tacdiib daran.