War kasoo baxay Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamada Shisheeye ay duullaanka kaga joogaan Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay, diyaarad Helicopter ah oo maanta kaga burburtay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Uganda ayaa warka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in diyaarad Helicopter ah oo uu nuuceedu ahaa Mi-24, islamarkaana ay lahaayeen ciidankeeda duullaanka ku joogo Soomaaliya ay maanta saacaddu markii ay aheyd 7:30 subaxnimo ku burburtay, meel 20 Mitir ujirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Diyaaradda burburtay ayay Dowladda Uganda tilmaamtay in xilligii ay shilka galeysay ay ku guda jirtay, howlaheeda la xiriira duullaanka ay ka wadaan Soomaaliya.
“Waxaa saarnaa 8 ruux oo 6 kamid ah ay ahaayeen shaqaalihii diyaaradda, waxaana burburkeeda sababay hub ku dhex jiray oo qarxay, taas oo keentay in waxyeello xooggan ay soo gaarto dhismayaashii u dhawaa halka ay ku dhacday, islamarkaana ay dhaawacmaan 3 ruux oo rayid ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Uganda ee looga hadlay burburka diyaaradda.
Warka kasoo baxay xukuumadda Kampala ayaa sidoo kale laagu xaqiijiyay, in 5 kamid ah Shisheeyihii saarnaa diyaaradda ay ku dhinteen shilkaan, kuwaas oo muddo la la’aa meydadkooda maadaama ay si xun ugubteen.
Waxa ay intaas ku dartay in duuliyihii diyaaradda, kaaliyihiisa iyo injineerkeeduba ay ka badbaadeen shilka, balse ay soo gaareen dhaawacyo halis ah iyo gubasho daran, kuwaas oo loo qaaday isbitaal uu gacanta ku hayo taliska ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku joogo dalka magacoodana loosoo gaabiyo AUSSOM.
Waa diyaaraddii labaad oo muddo bil guhadeed ah ciiidamada Shisheeye uga burburto Soomaaliya, labadii bishii June lasoo dhaafay ayay aheyd, markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay diyaarad Helicopter ah oo ay adeegsanayeen ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay dalka, lagana lahaa dalka Uganda kusoo rideen, duleedka deegaanka Xawaadley oo katirsan gobalka Sh-dhexe.