Maalmihii lasoo dhaafay waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday dagaallada udhaxeeya xukuumadda Taagta daran ee Yaman iyo Malleeshiyada Xuuthiyiinta Shiicda ah ee taageerada ka helaya Iiraan.
Warbaahinta Dowladda Yaman ayaa sheegtay, in 7 askari oo kamid ah ciidankooda ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.
Duqeyntan ayaa waxaa fulisay diyaarado Drones ah oo waliba nooca miineysan ah, sida lagu xusay warka kasoo baxay xukuumadda Yaman, waxaynta ka kala dhaceen labo saldhig oo ay ciidanka dowladdani ku kala yihiin magaalada Ma’rib iyo degaan kale oo dhaca dhanka Waqooyi ee magaalada.
Mid kamid ah Saldhigyadan oo ku yaalla magaalada Ma’rib waxaa duqeyn ka dhacday lagu dilay 1 askari 4 kale waa ay ku dhaawacmeen, halka duqeynta kalena ay dhacday saldhig ku yaalla Waqooyiga gobolka, waxaana ku dhaawacmay 2 askari.
Dowladda fadhigeedu yahay Cadan, ayaa kooxda Xuuthiyiinta ku eedeeysay iney jabiyeen heshiiskii ay wadagaareen sanado kahor.
Isku soo wada duuboo labada dhinacba midna kama shaqeynayo danta dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Yaman, waxayna uxusul duubayaan sidii ay uraaligelin lahaayeen madaxda Reer Galbeedka ee kor ka maamusha.