Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbada Hoose ayaa dowro diini ah oo socotay muda todobaad ah, waxay degmada Kamsuuma ee gobolkaas ugu soo gebegebeysay nabadoonnada beesha Jareerweyne qeybtooda degta gobalka Jubbada Hoose.
Dowradan diiniga ah oo loogu magacdaray Suldaan Cabbaas oo ah suldaankii Jareerweyne ee Jubbooyinka, kaasoo uu Maraykanku ku diley duqeyn diyaaradeed, ayaa waxay nabadoonnadu ku qaateen duruus kala duwan oo muhiim ah.
Gebegebada dowrada, waxaa la dhigay xaflad ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin, culimo, nabadoonna iyo waxgaradka beesha Jareerweyne, taasoo ka dhacday degmada Kamsuuma.