Waxaa la helay nuqul kamid ah hishiiskii dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo Turkiga ee salka ku hayay Shidaal baarista Soomaaliya.
Inkastoo Dowladda Fedaraalka ay isku dayday qarinta hishiiskaan iyo qodobada labada dhinac ay ku hishiisyeen, ayaa waxaa Dowladda Turkiga ay si rasmi ah ufaafisay heshiiska ay la gashay Dowladda Fedaraalka iyo qodobada uu ka koobnaa.
Mid kamid ah qodobada ayaa ah in Dowladda Turkiga ay 90% faa’iidada kasoo baxda Shidaal baarista uu wado Turkiga ay qaadan doonto xukuumadda Ankara, halka 5% oo kaliya la siinayo Dowladda Fedaraalka.