Ilo ku sugan marinka go’doonsan ee Qazza ayaa kusoo waramaya, in dhowr qof oo shacab ah ay maanta oo Khamiis ah ku shahiideen duqeymo cusub oo ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen goobo dhowr ah oo ka tirsan Marinka Qazza , kuwaas oo qayb ka ah majaazirta uu maamulka Yahuudda ka wado halkaas.
Ilo wareedyo ku sugan marinka ayaa soo sheegaya, in ugu yaraan 3 qof oo rayid ah ay ku shahiideen, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo uu gumaystaha arxanka daran ee Yahuuddu la beegsaday magaalada Bayt Lahiya ee waqooyiga Marinka Qazza .
Dhanka koonfurta marinka, waxaa lasoo warinayaa, in ugu yaraan labo qof oo rayid ah ay ku shahiideen weerar ay Yahuuddu ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Maawasi oo ka tirsan magaalada Khaan Yuunis.
Sidoo kale, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqeymo xiriir ah ka fuliyay xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza , sida uu sheegay wariye lagu magacaabo Cabdullaahi Miqdaad oo ku sugan magaalada Dayrul Balax. Iyadoo intaasi lagu biirinayo, tiro dad ah oo aan cadadkooda lagaranaynin oo ku dhaawacmay duqeymo uu gumeystaha ku qaaday dhismo ku yaalla magaalada Dayrul Balax ee bartamaha marinka Qazza .
Dhinaca kale, dab xooggan oo saacado badan ka socday dhulka ay Yahuuddu ka gumaysato ee Falastiin ayaa kusii fidaya dhul hor leh, iyadoo Yahuuddu ay gurmad dab damis u dirsatay dawladaha reer galbeedka, halk in kabadan 150 kooxood ay ka qayb qaadanayaan dabinta dabkan.
Waaxda dab-damiska ee maamulka Yahuudda ayaa war ay soo saartay ku xustay, in wali loo maaro layahay dabkan uu Allaah ku ciqaabay Yahuudda Xaaqidiinta ah, kaas oo ka kacay meel ku dhow jidka weyn ee u dhaxeeya magaalada barakaysan ee Al-Qudus iyo Talaabiib kuna sii fidaya illaa 11 goobood oo ku yaalla duleedka magaalada Qudus ee ay Yahuuddu xoogga ku dagan yihiin, iyadoo 7 magaallo laga daadgureeyay dadkii daganaa.
Warbaahinta Yahuudda ayaa maanta tabisay, in siddeed diyaaradood oo kuwa dab-damiska ah lagu wado inay maanta gaaraan goobaha uu dabku ka kacay, kuwaas ka kala imaanaya wadamada Talyaaniga, Qubrus, Faransiiska iyo , dalal kale oo dhaca qaaradda Yurub.
Tan iyo khamiistii hore waxaa dhulka ay Yahuuddu xoogga ku dagan tahay ee Falastiin ka socday dab xooggan oo kusii fidayay goobo hor leh, kaas oo burburiyay dhul baaxad leh oo horay loogu deegaameeyay dad Israa’iiliyiin ah, taas oo uu Allaah kaga abaalmarinayo gaboodfalada xanuunka badan ee ay kula kacayaan dadka Falastiiniyiinta ah.